kusoo dhawaada murti &madadaalo

horudhac | taariikhnololeedkeeyga | igala soo xadhiidh | taariikhda soomaaliya | buuga martida | murti iyo maa weelo | gabayada | jaceylku ma dhab baa mise | hidaha iyo dhaqanka dalkeena | sawiraanta | madaxweeynayaashii soo maray dalkeena | xamardaawo dacalada | sawiraanta asxaabteeyda | mahadnaqa waalidiinteeyda | salaamaha waalidiinteeyda | sawiraan | sawiraan | bollywood

Sedaxdii nin ee wanaaga diiday
Beri ayaa waxaa jiray dhowr qoys oo meel wada deganaa oo uu ilaahey ku imitaxaanay abaar,colaad iyo cudur maalin maalmaha kamid ah ayaa ninkii odayga u ahaa reeraha wuxuu go'aansaday in ay ducaystaan oo ay ilaahey baryaan intuu gacmaha kor u taagay ayuu yiri ilaahayow abaarta naga bixi oo noogu badal barwaaqo markaasa nin kamid ah dadkii meesha fadhiyay uu hadlay oo yiri ..,, ilaahay kaama aqbalo ** Odaygii ducadii ayuu iska sii watay oo wuxuu yiri ilaahow cudurka caafimaad noogu badel mar ladaad ayuu yiri ilaahay kaama aqbalo ninkii odayga ahaa markuu dhameystay ducadii ayuu weydiiyay saddaxdii nin sababta udhaheen alle kaama aqbalo ducada kii kowaad eeku horeeyay ayaa yiri aniga waxaan ahay ugaarsade hadii barwaaqo dhacdana dabinkeyga waxba kuma soo dhacayaan hilib uugaarna wax u baahan malaha, sidaas daraadeed barwaaadu dan iima aha!! Kii labaad ayaa isna yiri aniga iyo walaalkey waxaan leenahay laba faras oo aan dagaalka ku galno, nolol malmeedkeenana sidaas ayaan ku helnaa haday nabad dhacdo nolasheenu ciriiri ayay galeysaa marka nabadu dan nooma aha!! kii sedexaad ayaa isagana wuxuu yiri anigu kutub ayaan leeyahay oo aan dadka ku daaweeyo haduu cudurka dhamaado waxaa igu dhacaayo shaqo la'aan marka dan iima aha ayuu yiri in cafimaad lahelo oo cudurka lawaayo!! odaygii reeraha umadaxda ahaa ayaa yiri "ogaada dhibaato kasto oo dhacda dadbaa ka faa'iideysta oo aan rabin in laga baxo".
 

             Magaceygu waa Awbuulle

    Nin ayaa bari wuxuu nacay magaciisa waxaana ninkaas lagu magacaabi jiray Awbuule wuxuu jacleystay in magacaas laga badelo maalin ayuu odayaasha iyo waxagaradka uu laadaganaa isugu yeeray waxuu sameeyay xaflad aad uu ballaaran oo aan nooceeda oo kale baryahaas la arag kharsha la'arag badana waa uu baxiyay markii qadadii dhamaatay, dadkii ay wali fahmi La' yihiin ujeedada xaflada ayaa waxaa soo hor istaagay AwbuuLe wuxuuna yiri akhayaarey anigaa maanta idiin marti qaaday "waxaan dhibsaday magaca Awbuulle sidaas daraadeed ayaan kulankaan u sameeyay si goob loo wada dhan yahay leygaga baddelo magacii Awbuulle", oday kamid ah odayaashii deegaanka ayaa ka codsaday Awbuule in uu banaanka ku yar sugo akhyaartana uu siiyo fursad ay ku showraan Awbuulle bannaankuu u baxay waxaana isku soo haray akhyaartii dood dheer kadib waxaa loo yeeray Awbuulle waxayna u sheegeen in ay si kasataba u doodeen hase ahatee ay badin waayeen in sidiisi hore loo daayo magacaas AWbuule wuu carooday oo qayliyay kuna calaacalay in aysan caqli ahayn taasi markaasay akhayaartii yiraahdeen booda ama dhac magacaagu waa awbuulle!!
 

 

           Aniga iyo xaaskeygu waxaan nahay reer-janno

Nin reer miyi ah oo farxad weyn ka muuqato ayaa la soo booday aniga iyo xaaskeygu waan nahay reer jano "sida la sheegay niinkaan wuxuu ahaa nin aad u foolxun oo gabdhaha gayaankiisa ay kadiideen inuu guursado wuxuu mudo guur la'aadaba maalin maal maha kamid ah ayuu reer ay daris ahaayeen weydiistay gabar ay dhaleen in loo guuriyo nasiib wanaag sidii kuwii hore ee uu doontay looguma diidiine waa loo ogolaaday gabadhu waxay ahayd mid uu ALLe ugu deeqay qurux noocii ugu sarreysay ee ay gabari leedahay mana aysan ku qanacsaneyn in ninkaas lagu daro hase yeeshee way iska ogolaatay gabdadhu waxay ahayd mid uu Alle ugu deeqay qurux noocii ugu sarreysay ee ay gabari leedahay mana aysan ku qanacsaneyn in nikaasi lagu daro hase yeeshe waxay ogolaatay iyadoo fulineysa amarka waalidkeed sidii ayay na ku aqal gashay maalmo yar kadib niinki oo faraxsan ayaa lasoo booday aniga iyo xaaskeyguba waxaan nahay ahlu janno!! dariskii oo layaaban hadalka ninkaas ayaa waxay noqotay:- "xaaskeyga waxay ku sabartay foolxumideyda,anigana waxaan ALLe ugu mahdiyey quruxdeeda sidaasi dardeed kuwa sabra iyo kuwa ALLe ku mahdiyaba waa reer janno.

 
                   Juxa & dameerkiisii

     Juxa ayaa dameer uu laha suuqa keenay sii uu u iibiyo nin doonayay in uu gato dameerka ayaa qabtay seyntii Dameerka suu haraati ku jiiday haddana wuxuu fiiriyay ilkihiisa makaasuu dameerkii qaniinay ninkoo xanuunsanaya ayaa yiri juxow cidna dameerkan kaama gadaneyso, juxa ayaa u jawaabay oo yiri in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa, ee markii horeba waxaan u keenay in leyla arko dhibka uu igu hayo aniga!!
 
 

                        Hooyo iyo Aabe kee xaq badan

Nin iyo xaaskiisa ayaa isku qabsaday wiil ay dhaleen waxayna isku dacweeyeen maxkamada deegaankii ay ku noolaayeen markay maxkamada wada tageen ayaa hooyadii oo hadalka ku hormartay ayaa tiri wiilkan caloosha ayaan ku qaaday waxaana ku qabtay dhabteyda waxaan nuujiyay naaskeyga waxaan ilaalinaayey markuu seexdo waan ka welweli jiray makuu iga maqan yahay markaan sugayay in uu wax itaro ayuu rabaa in uu iga qaato. Aabbihii ayaa hadalay oo yiri:- wiilkan intii aysan iyadu xambaarin ayaan anigu xambaaray waxaana dhalay intay iyada dhalin waxna waan barayey ilaa uu ka caqliyeysto hase ahaatee markii ladhageystay labada dhinacba ayaa waxaa wiilkii lasiiyay hooyadiis maxaa yeelay waxay maxkamadu u qiratay in hooyadu ay ka xaq badan tahay aabaha
 





.