ku soo dhawaada gabayadan

horudhac | taariikhnololeedkeeyga | igala soo xadhiidh | taariikhda soomaaliya | buuga martida | murti iyo maa weelo | gabayada | jaceylku ma dhab baa mise | hidaha iyo dhaqanka dalkeena | sawiraanta | madaxweeynayaashii soo maray dalkeena | xamardaawo dacalada | sawiraanta asxaabteeyda | mahadnaqa waalidiinteeyda | salaamaha waalidiinteeyda | sawiraan | sawiraan | bollywood


Gabaygan oo soo baxay taariikhdu markay ahayd 25.9.2004 waxa uu u ku saabsan yahay gabadh Soomaaliyeed oo qurbaha [wadanka uu joogo ] ku duruufaysnayd oo la yidhaahdo Faadumo. waxa uu abwaanku ku waaninayaa inantaas in ay u samirto duruufta una dhabar-adaygto waayaha ka helay qurbaha:-

Dhibaatada aduunyadu faadumooy, waa dhinbiil shidane
Ma dhammaato oo maalmaba, dadbay dhaawacdaa badane
Dharraar waa ku saaciday wax jira, dhaaxa duul qadaye

Marba dhinac qaboobiyo wax jira, dheeg abaarsadaye
Dhereg qaar la seexdiyo wax jira, baahi duul dhcaye
Dhaxan iyo kulayl baa is xiga ,laba dharaaroode

Dhunkaal iyo macaan buu nafluhu, wiigba qaar dhamiye
Meelna kuma dhamaato e nimcadu, waa habeen dhixise
Waa laysku dhawraa waqtigu, qaar lamuu dhalane
Sidan dhigana qalmaantaa u dhigan, kalana dhaadheere

Dhito maalka jeer baad danbarin,dhiil macaansi lehe
Dhawaan baad wanaagiyo aftixi, dhool barwaaqo ahe
Ifka dhabar adayg oo u samir, dheefta waad heliye

Dhafoor kaagu shalay way waramay,dhiifta kugu tiile
Jidhkii bay dhaqaaqoo anfacu, ii dhadhami waaye
Dhiilada duruuftiyo dhacdadan, nolosha kuu dhaafsan
Lamaad dhalane waayahan marbaad, dhaafi qiiqa lehe
Waana qaar dhamaadoo sidii, dhoobo soo gudhiye

Dhito maalka jeer baad danbarin,dhiil macaansi lehe
Dhawaan baad wanaagiyo aftixi, dhool barwaaqo ahe
Ifka dhabar adayg oo u samir, dheefta waad heliye

Afartaa dhameeyaye waxaan, dhinac ka raacsiiyay
Inta dhawrsan ee cabsida illaah, dhaxashay mooyaane
Dhulka aayar mariwaa adoon, dhiil u buuxsamaye
Wuxuse soo dhudhumiyaba nabsiga, dhoodi ways heliye

Doqon dheregtay fadumooy, intay dhaanto waw cadawe
Dhalashiyo xigaal iyo dadnimo,dhawrsashiyo diinta
Dhana kuma hagaagsana qof xumi,dhaadasho iyo hiile

Ciday dhaxal wadaagaan tolnimo, amase dhiigeed leh
Dhib marbay u qooshtaa sidii, dhidar sumaysaaye
Dhegna malaha caadana ka dheer, dhaqana waa wayde

Dhito maalka jeer baad danbarin,dhiil macaansi lehe
Dhawaan baad wanaagiyo aftixi, dhool barwaaqo ahe
Ifka dhabar adayg oo u samir, dheefta waad heliye

Yaanu gabaygu dheeraane hadaan, ararta soo dhaabo
Qofkaan xoog u dhaad nayn iblays, waa dhufsanayaaye
Waanadoo dhamays tiran hadaan,kuugu dhigo xaashad
I dhegayso oo qoro murtidan, waa dhanbaal culuse

Kitaabada dhexdoodiyo siday, dhigayaan aayaadku
Dhamidoodba geerida nafluhu, way dhadhamiyaane
Nafna loo dibdhigi waa cimrigu,malaha dheeraade
Lama dhaafoo dharaarbaad hedoo, dhaarsan kulantaane

Dhadhan kale iyo ruuxnaba ma helo, dhuuni saayida e
Qofkastoo dhamaystaa qabriga, waa dhex gelayaaye
Markuu dhinaca iilkiisa dhigee, dhoobo lagu awdo

Ruuxba wuxu dhitaystiyo wuxuu, siidhigtuu heliye
Dhaqankaaga hooyiyo xaqaa, lagu dhaxlaa guule
Ku dheeroow caqiidad si fudud, hawga dheeliyine.

Dhamaad.


SOOMAALIYEEY IS GARRO

Isa seega iyo sokeeyaa colka ah
Kuwa silica iyo saymaha ku dhigay
Siyaasiga qariban janan saaqidiyo
Odayada siloon wada saancadaha
Laga tiray sariig gidigood saldano
Xukun lagu sirxaday een samahaaga wadin
Sawdkood adaa sacabka u tumoo
Weligaa sareey ku salaamayee
Soomaalaay is garo.

Qori suu, ah iyo sumuc iyo rasaas
Saaruukh wax dila aakaha sidii suudh lagu dhacee
Laga simay dadkii samaydaa dabkee
Subax iyo aleyl lala soogan yahay
Nabadii salfaday sabadaadi gubey
Seedaha ku jaray adiguu garbaha kuu sudhan yahoo
Idilkaa sitee Soomaalaay is garo.

Duqay socod gabiyo sirqadii habraha
Saqiirkii ilmaha waxa sebi la dilay
Laga jaray surkii maydkaa suryada
Surinkaad martaba waxa suuqa wadhan
Inta silica iyo saxariir ku nool
Wada soomanee soor laga xarimay
Sarar feedhihiyo sibrihii goteen
Nolol aan sugayn adigaa soshee
Soomaalaay is garo.

Saafida haween laga dhigy sukaha
Weer saaran yahay sey iyo walaal
Inankeedi sulub sadexduba dhinteen
Marwo saalix qabey inan saahidiyo
Sara joog wanaag suleekhadii hablaha
Rabigay sifaha qurux tuu ku simay
Sanku neefle arag adaa sawjad dumar
Sumcadeed diloo ficil laga siqsiqo
Adaa suubiyee Soomaalaay is garo.

Sulux kii wadiyo sama doonadii
Nin saciim ah iyo saajicii halyey
Saciidkii bulshada saacidi lahaa
Sancadiyo cilmiga kii soo bartee
Sahan tegi lahaa shiikh selefiyiyo
Kuwa diinta sida suubane rasuul
Sunihii dacwad sawdkeeda wadey
Adaa sulubka iyo birta saarayoon
Ka sariiganiine Soomaalaay is garo.

Salka laga kiciyo qaxootiga sun sumay
Suraaf sideed socotada war moog
Sahan li, Ku baxay ku surmiyey qurbaha
Sacab hoorsigiyo sadaqada ku nool
Laga siibay sharaf da, yar laga samroo
Soo noqod lahayn kala soocankiyo
Saranseerka dhacay adaa sababsadee
Soomaalaay isgaro.

Salaw waa dhacaa saxal iyo mariikh
Sabo wada degiyo ximre soogan baa
Subax kugu habsada kii lagu saliday
Sifo looga baxo sebenada danbuu saadaaliyaa
Waabay sun iyo sunbe ruux cabaa
Sakaraatul mawd hurda seexad iyo
Soo jeed ka dheer mana sara fadhiyo
Soortana ma cunee Soomaalaay is garo.

Suugaanta guud waxaan uga socdaa
Saymaha la galay waxa dhacy silsaal
Hadaynaan samaan niyad saafiyiyo
Nabad lagu salayn sawdkeen midayn
Saatir laga cabsoo khaladada la sixin
Saaxiib dadoo safar noogu yimi
Oo saacido wadaa waa sacabka oo
Sayn lagu arkee Soomaalaay is garo