jaceylku ma dhab baa mise?

horudhac | taariikhnololeedkeeyga | igala soo xadhiidh | taariikhda soomaaliya | buuga martida | murti iyo maa weelo | gabayada | jaceylku ma dhab baa mise | hidaha iyo dhaqanka dalkeena | sawiraanta | madaxweeynayaashii soo maray dalkeena | xamardaawo dacalada | sawiraanta asxaabteeyda | mahadnaqa waalidiinteeyda | salaamaha waalidiinteeyda | sawiraan | sawiraan | bollywood

 


Culimada Adduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daroAbwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo. Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo! Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waa Dhalanteed? Ma Cudurbaa mise waa.. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay?

Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed.....?

Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. أƒآ¢أ¢â€ڑآ¬أ…“Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaataأƒآ¢أ¢â€ڑآ¬أ‚آ‌ Ayuu uurka ka yiraahdaa.

Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan أƒآ¢أ¢â€ڑآ¬أ…“Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayayأƒآ¢أ¢â€ڑآ¬أ‚آ‌ Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan أƒآ¢أ¢â€ڑآ¬أ…“Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jirayأƒآ¢

Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa?. Tani mabaأƒآ¢ aha tii uu iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, أƒآ¢أ¢â€ڑآ¬أ…“Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahayأƒآ¢ uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon. Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kaleأƒآ¢أ‚آ‌ Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa.

Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene.

Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu maأƒآ¢ ihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa: Alleylahe Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho laأƒآ¢ aan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan.

Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh: Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabtaأƒآ¢ Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaaأƒآ¢  goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba maأƒآ¢ ahayn waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEH Sidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan ku aragtid ayay yiraahdaan saaxiib anigu ma aamisni jaceylka inuu dhab yahay.
 

         

>>

 
 
 


 


Maxaa u sabab ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal ah isku furaan?” Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga, dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan arrimahaas.        Dhammaad.

 

     ABWAAN XASAN JACAYL:- “waxaa jira 6-Jacayl” Qiimaha Jacaylka ma aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 6-Jacayl kuwaas oo kala ah:-

   1. Jacayl dhab ah:- “Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo”.

   2. Jacayl gaaban:- “Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii”.

   3. Jacayl danaysi:- “Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma”.

   4. Jacayl Xushmo:- “Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go’aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta”.

   5. Jacayl Socod wadaag:- “Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado”.

   6. Jacayl Guud:- “Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- “Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun